WAA MAXAY CRYPTO CURRENCY?

Crypto Currency waa lacago cusub oo aduunka kusoo kordhay lacagaasi ma aha Dollar caadiga oo warqada maaha dahabkii la yaqiinayna maaha waxaa la yiraahdaa Digital Currency. 

Lacagtaan Crpto waxaa looga Maarmay taakooyinkii ay bangiyadu ku hayn jireen dadka lacagaha waawayn haysta oo ah in markaad lacag bangi dhigatid aad isla markii ka heli kartid, sidaa darteed waa lacagta hada la rajaynayo in loo guuro oo aduunya hada uguurto. Suuqaan Crypto Currency Saddex qaybood ayaa lacag looga samaeeyaa mida kowaad waa :

1. Investment : qofku inuu samaysto maalgalin oo uu lacagtiisa maalgashto dad badanoo waxaa jira lacagaha ku haysta bangiyada 1 Dollar oo aad bangiga dhigato toban sanno kadib 1 Dollar baa kuu yaal laakiin caalamku hada waxa uu sameeyay Investment inaad lacagtaada Maalgashato, lacago hada waxaa jira Crypto da ah waxaa ugu wayn oo hada aabe iyo hooyo u ah lacagta la yiraahdo Bitcoin. Bitcoin 2012 waxay joogtay halkii xabo qiimaheedu 1 Dollar Maanta waxa uu gaaray halkii bitcoin 70,000 Dollar qofkii maalgashan lahaa ama soo iibsan lahaa 1000 Dollar  oo kun xabo oo Bitcoin ah 2012 maanta waxa uu haysan lahaa 70 Milion oo Dollar . micneheedu waxay ka dhigan tahay dhow iyo tobankii sano ee la soo dhaafay lacagtaadii waad galisay computerka waad isku laabtay waad ka jeesatay danahaaga qabsay maanta oo 2024 waxaad haystaa 70 Million oo dollar, ma shqaynin ma dhididin 24 saac computer maadan dul fadhin baabuur ma siisaarnayn masoo saarnayn suul meel ma saarayn kaliya waa investment inaad suuqa maalgashato. lacagahaas investment ah meesha ugu yar ee aan hada ka sheegnay waa kun dollar ninkii toban kun oo dollar gashan lahaa 700 oo million oo Dollar buu heli lahaa.

suuqaas marka maalin kasta saacad kasta iyo sanad kastaba waxa uu oo saaraa dad millioneer ah oo aan ku dadaalin in ay millioneero noqdaan lacagta meeshaas laga sameeyo lagama samayn karo apartmentyo aad dhisato mushaar aad qaadatay wixii aad mee ka dhigtay kama samayn kartid dad badan oo ka faaidaystay baa jira iyagoo da'doodu yarayd waalidkood lacago ka qaadatay maalgashtay markay labaatan sano gaareena aymaanta millioneero yihiin. lacagtaa aad maalgashaynta daqiiqad kasta iyo saacad kasta waad kal soo bixi kartaa. wajiga labaad ee suuqan looga ganacsado waa:

2. Trade : Suuqu markuu kaco inaad gadato markuu soo daadato ama hoos yimaadana aad iska iibisid,  waxaa laga yaabaa dadka qaarkood toban kun ama labaatan kun waxay haystaan inay suuqa galiyaan Daily Trade baa la dhahaa subaxii inuu soo kaco qolkiisa jiifkuu kasoo kacaa qol kaloo ku dhagan buu computerkiisa latagaa suuduu usoo xiranaa sida nin shaqayn raba shaqana uma socdo computerka ka dhex shaqayn rabaa tobankiisa kun buu lagalayaa suuqa, aqoon iyo xirfad buu ku dhisan yahay suuqan waxa uu ku dhisan yahay xisaabad alghorisam ma aha gambling ama khamaar ma aha sida 1xbet oo kale maaha labo koox kooxda wayn ayaad saadaalinaysaa inay badinayso meeqaa dhacda kooxda yar inay tunto kooxda wayn khamaar weeye taasi, tan laakiin bakhtiyaanasiib maaha aqoonay ku dhisan tahay xirfado la isticmaalo weeye xirfaadaasa soo baranaysaa youtube ku jirtaa iyadoo carabiyaa luuqad kasta waad ku helaysaa, markaad soo baratid waad  soo fariisanaysaa suuqyadu inay furmeen baad fiirinaysaa Newyork iyo London labadaas suuq baalaga trade gareeyaa, aqoontaadu markay ku tusto in la buy gareenayo waad buy gareenaysaa  waad soo iibsanee markaad soo iibsato suuqii wuu dhaqaaqaa bangiyadii caalamkaa iibsanaya tareenkaas socdaa dhinac ka raacee adoo kun dollar wata faaidadaada markii uu kuu gaaro xadi waad kala baxee waad iska iibinee. farqiguu waad inaad galisay iyo intuu kacay marka lakala jaro  faaidadaau intaas weeye. diiniyana xaaraan maaha tusaale ahaan baabuur baad waxaad ka soo iibsatay dubia shan kun oo dollar baad kusoo iibsatay xamar baad keentay toban kun baad ku iibsay faaidada meeshaas ka soo baxaysa weeye faaidada aad leedahay

3. Sarifaad : lacagta aad kaash ahaanta u haysto inaad ubadalato Usdt taas oo kuu fududeenaysa inaad meelkasta ula safarto iyadoon cidi ku baaranyn cidna ku dabagalayn.

Post a Comment

0 Comments